Deeq A. Posted May 26, 2019 Garowe (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid C/laahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Shiinaha. Mas’uul ka tirsan maamulkaasi ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garowe ku sii sagootiyay Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa. Inta uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland Shiinaha waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda sare ee dalkaasi. Waa safarkii labaad ee uu dibadda ku aadayo Saciid C/laahi Deni, tan iyo markii loo doortay hoggaanka sare ee dowlad goboleedka Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites