Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta oo sheegay in ay diyaarado aan duuliye lahayn ku duqeeyeen dalka Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaadka Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa Axadda maanta shaaciyay in diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen garoonka diyaaradaha magaalada Jazan ee boqortooyada Sacuudiga.

Qoraal lagu daabacay warbaahinta Xuutiyiinta ayaa lagu sheegay in weerarka lagu beegsaday diyaarado dagaal oo Sacuudigu leeyahay kuwaasi oo fadhiyay garoonka diyaaradaha magaalada Jazan ee u dhow xadka waddanka Yemen.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu sheegay in weerarka la fuliyay iyadoo laga duulayo xog sirdoon oo shiilan islamarkaana lala helay bar-tilmaameedkii uu beegsaday balse faahfaahin kama sii bixin khasaaraha ka dhashay.

Xuutiyiintu waxay sheegeen in weerarkaasi jawaab u ahaa duqeymo xiriir ah oo isbaheysiga Sacuudigu ka fuliyo gudaha dalka Yemen kuwaasi oo lagu beegsado goobaha ay ku nool yihiin dadka rayidka ah.

Boqortooyada Sacuudiga iyo isbaheysigeeda ayaan weli ka jawaabin warka ka soo yeeray malayshiyaadla Xuutiyiinta ee ay ku sheegteen in ay weerareen garoonka diyaaradaha Jazan ee dalkaasi sacuudiga.

PUNTLAND POST

The post Xuutiyiinta oo sheegay in ay diyaarado aan duuliye lahayn ku duqeeyeen dalka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this