Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay dalka Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa hadda ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Gen Maxamed Abshir iyagoo ku sii jeeda dalkaasi Shiinaha.

Wefdiga madaxweynaha waxaa garoonka ku sii saagootiyay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda maamulka gobolka Nugaal iyo kan degmada Garoowe iyo xubno ka socday madaxtooyada.

Safarka madaxweyne Deni ee dalka Shiinaha ayaa ku saabsan mashaariicda dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga waana safarkii labaad ee uu dalka dibaddiisa ugu baxo tan iyo markii la doortay 8-dii Jen 2019.

Socdaalkii kan ka horreeyay ayaa madaxweynuhu ku tegay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Kenya isagoo xilligaasi ka baaqday safar uu ku tegi lahaa waddanka Shiinaha.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo u dhoofay dalka Shiinaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this