Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay weerar culus oo ka dhacay J/Hoose iyo Jubaland oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa xalay weerar qorsheysan ku qaaday saldhig ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka xoogiisa ayaa ka dhacay deegaanka Bilis Qooqaani oo ka tirsan Jubbada Hoose, waxaana la sheegay in ururka Al Shabaab ay weerar qorsheysan halkaasi ku qaadeen.

Masuuliyiinta maamulka Jubbaland ee deegaanka Bilis Qooqaani ayaa sheegay inay ka warhayeen weerarka qorsheysan ee Al Shabaab ku qaadeen deegaanka, islamarkaana ay iska difaaceen weerarka.

Dagaalka ayaa lagu waramayaa inuu geystay khasaaro kala duwan, balse labada dhinac ma aysan shaacin waxyeelada ka dhalatay weerarka oo saacado socday.

Weerarka ayaa yimid kadib markii ururka Al Shabaab xubno ka tirsan ay weerareen saldhiga ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Bilis Qooqaani, iyadoo muddo halkaasi ay ku dagaalamayeen.

Guddoomiyaha deegaanka Bilis Qooqaani Muuse Macalin ayaa sheegay in dhankooda aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dagaalkaas,hayee ay arkeen meydka ruux ay dileen,kadibna ay uga tageen goobtii lagu dagaalamay.

Weerarka xalay Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bilis Qooqaani ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Gobolkaasi uu abaabul  dagaal ka wado madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Jubbaland waxaa marar badan ka dhacay weeraro qorsheysan oo ururka Al Shabaab ku qaadeen saldhigyo dhowr ah oo ku yaala gobolada Jubbooyinka, waxaana weerarka ugu xogan uu ahaa weerarkii ka dhacay deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Caasimada Online
Xafiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this