Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho ma laga dhex keeni karaa aqoonsi hadii laga dhex sameeyo xulafaysi siyaasadeed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho MALAGA DHEX KEENI KARAA AQOONSI SOMALILAND HADII LAGA DHEX SAMEEYO XULUFEYSI SIYASADEED?

IDOOR SAL_FUDUDAA WAXUU SUGAYO MUU DHOWRO. FAALO AAN KA BIXINAYO
DAREENKA XAMAR YAAL IYO SIYASADDA KONFUR EE KU WAJAHAN SOMALILAND.
——//////—/////——////——-////——-////——////—-

Siyasadda xamar taala. Xisbigu doono ha sheegte Waa midnimadda Somalia Waa muqaddas. Siyaasi ka baxi kara ma jiro. Qodobka LABAAD Madaxweynaha Somalia Waxa doorta 275 Xildhibaan oo baarlamanka Somalia ah. 58 Xildhibaan baa ah reer Somaliland.

5 Xildhibaan Waa wersengali
8 Xildhibaan Waa Sool clan
8 Xildhibaan Waa Ciise
9 Xildhibaan Waa Awdal Clan
28 Xildhibaan Waa Isaaq.

Totalka guud Waa 58 Xildhibaan ayaa ka soo jeedda Somaliland. Waxa Intaas dheer 16 Xildhibaan oo ah(DIRKA) konfureed. Marka La isu geeyo 58+16=74. Intaas Waxa dheer.

• Darood 48 Xildhibaan
• Digil iyo MIRIFLE 61 Xildhibaan
• Mogadishu Clan 61 Xildhibaan
• Beesha Shanaad 31 Xildhibaan

Tiradda guud Waa:- 201 Xildhibaan
Marka loo geeyo 74 xaga sare waa 275

Hadaba asxaabta maanta xamar ka jirta maaha wali xisbiyo. Waxey ku jiraan (ururo) waxeyna yihiin waa (urur-siyasadeed) Wali mey gaadhin asxaab qaran oo leh, shahadaddo xisbi. Waxeyna marayaan tiro aad u fara badan oo urur-siyasadeedyo ah.

Isku soo wadda duub, maanta hadaan soo qaadano xisbiga wadda-jir. Siyasadiisa iyo barnaajim siyasadeedkiisu waxa weeye midnimadda Somalia wa muqaddas. Waxuse Tv-YADDA ka sheega in dhulka Somalia ee waqooyi dhibaato ka dhacdey. Dadkaasi u bahan yihiin in laga garaabo dhawaca dowladii siyaasadd bare gaahsiisey.

Waa aragti ku saleysan dadka reer somaliland hala xaalmariyo waxey ku samraana hala siiyo. Ceeb mahaa Waa hadal wanaagsan.

Hadaba maanta hadii xukumadda somaliland dhaqaale siiso uu Madaxweyne ku noqdo Abdirahman Abdi-shakur

Suaasha meesha taala Waxa weeye?
Somaliland Ma Ictiraafi karaa!!!

JAWAAABTU WAA MAYA:-

Sababtu Waxa weeye. Abdirahman abdishakur haduu Madaxweyne noqdo ma aqoonsankaro somaliland.

Marka kowaad Isagu shaqsiyan Ma rabo. Marka LABAAD awood Sharci uma leh. Dalka Somalia Waa (Baarlamenteriyan system). Sidaas darteed xeerar aan golaha shacabku ansixin xukumaddu ma fulin karto.

Somaliland qorshaha ey somalia kaga guuleysaneysa maaha iney shaqsi tageerto. Aniga aragtideydda waxa weeye in ka dhex ololeyso dhamaan goboladda maamul goboleedyadda iyo golaha shacabka Somalia.

Waa hadii larabo in dhaqaale iyo siyasadd lala dhextago Somalia. Waa in somaliland hanata oo Marka hore xidhiidh la sameysata 58 Xildhibaan ee reer somaliland. Waa iney noqdaan Xildhibaano aaminsan Somaliland xukumadda somaliland xidhiidh joogta ah la leedahey. Waa in aaney noqon dad aan cidna metelin.

Haddey xukumadda Somaliland biseylka siyasadeed keento oo ey noqdaan niman dadkooddii iyo dalkoodi u shaqeyneysa oo qaata laba mushahar.

Golaha shacabka Somlia waxey keeni karaan maalinwalba (motion) ey kaga hadlayaan arimaha Somaliland. Xukumadd walba oo la soo dhiso waxey ku noqonayaan (laf-dhuun gashey).

Marka xukumadda Somaliland Intaas sameyso waxey ku dedaaleysa iney hesho maamul goboleedyadda kale qaar ka midda sida (GALMUDUG) iyo maamul goboleedka ( DIGIL IYO MIRIFLE) ee casimadiisu tahey (BAYDHABA) Waxa soo raaci kara (HIR-SHABEELE) iyo (JUBALAND)

Waayo Puntland waxa u yara muuqaneysa degmoyinka ey degaan hartigu dego ee somaliland ku dhexyaala.

Taas baa yara keeneysa Xanafta qabyladda ee Somalida ku badan. Wanaa caqabadaha hortagan Aqoonsiga Somaliland. Taaso meesha ka saartey Taariikhdii juquraafi ahaan ee xuduuda Somaliland la laheyd Somalia, ey ka dhigeen xuduud qabiil.

Ama in reero wadda dhashey la kala goynayo. Halka isaaqa dega Ethiopia ey Laba walalo ahi kala degan yihiin Somaliland iyo Ethiopia. Oo kala ah Laba dowladdood. Kama duwana labadda qof ee Puntland iyo Somaliland kala degani. Laba family oo kala degan kilalka-shanaad iyo Somaliland oo isku qabiil ah.

Hadaba qorshahani waa mid ubaahan Dhaqaale iyo caqli garasho fogleh. Xukumadda maanta Somaliland ka jirta maaha Mid isku dayi kartaa arintan.

Waayo waxey u bahan tahey geesinimo in UMADDA reer somaliland laga dhaadhiciyo. Gobolka Sool iyo Sanaag bari, Waa in xukumaddu Gacanta kuheysa dadka degaankaasuna qalbiga iyo quluubtaba kala socdaan dalkooda Somaliland.

Taas marka reer somaliland sameeyaan waa in xildhibanadda xamar jooga ee Somaliland kaaso jeedda iman karaan hargeisa. Xukumadduna la leeyahey wadda shaqeyn buuxda. Waa in (motion) Madaxeyne Muuse biixi uga dhiibo Hargeisa, uu golaha shacabka Moqdisho gilgili kara siyaasiyan.

Marka xukumadda Muqdisho khaati istaagto Wax imaneysa in wadda hadal Miyir qaba oo ku saleysan Somaliland iyo Somalia. Ka dib Waxa imanaya garowshiyo dhinaca Somalia ah.

Waayo waxa la ogaanaya in la isku xaniban yahey oo aan xukumadda Federaalka Somalia aaney laheyn (DASTUUR) Afti dadweyne loogu codeeyey.

Inta Somaliland ka maqan tahey. Waxa caqabadd ku ah dowladda Muqdisho Dastuurka qabyo-qoraalka oo Somaliland la’aanteed hadii la ansixiyo. Waxu noqnaya in si bilaa shuruud ah loo aqoonsaddey Somaliland.

Marka xukumadda Moqdisho heshiiyo caalamiya magali karto oo masiirkeeddii waxu ku xidhan yahey xeerarka dalka oo Aan qeexneyn sababto ah Dastuur umaddu u codeysey dowladda xamar Kuma dhaqanto. Walina waa Dastuur ku Meel gaadha.

Hadaba anigu aragtideyda uma arko shaqsi xisbi leh ama koox xamar ka soo jeedda in Dhaqaale lagu siiyo kursiga MADAXWEYNE baanu idin saareyna Hadhowna na-aqoonsadda. Shekadaasi waxey noqoneysa (BEEN GO’LAGU DEDEY)

Lacagta Inta laga qaato buu hadhowna odhanaya ninkooda Ugu wanaagsani baarlamanku Igama yeelayo balse maadama aad kursiga ii keenteen.

Aan magaacabo Raisal-wasaare reer somalilad. Wadda shaqeyn dhowna xukumadeydu wey idinla yeelaneysa. Waa ninka ugu wanaagsan ee si kalsooni leh heshiis kula gala xukumadda Somaliland.

Waxa Intaas soo raaca oo aan ku cabirayaa siyasadda xamar taal, sidee looga dhex ololeyn karaa, si loo helo aqoonsiga somaliland oo xamar iyo wadda xajoodkeeda ku xidhan anigu hadda ma xasuusto wax Intaas dheer…!

Waxyaabaha aan xasuusto dib baan idinla gorfeyn doona. Waxii aragti ah ee tan ka duwan Waxaan qaba ineynu wadaagno kana doodno.

#Qalinka_Caawa
#Higsiga_fog

Ambassador Abdirizak Diinaari
Amb Ahmed Safiina
Amb Abdirashid Suleman
Abdirisaq Terra
Liban Hussein
Yusuf Gabobe
Guuleed Dafac
Guleid Hassan Dirir
Aadanweli Ismail
Ismail Farjar
Khaalid Foodhaadhi
Badri Kozar
Maxamed Baashe Xaaji Xasan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this