Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi Ka Socda Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Oo Ku Sugan Hirshabeele Muxuu Yahay Qorshahooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu horkacayo guddoomiyaha warbaahinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Abuukar Islaw ahna guddoomiye ku xigeenka arimaha horumarinta maamul Goboleeyada ayaa ku sugan magaalada Jowhar ee maamulkaa Hirshabeele.

18921723_108174469785458_147069576250429

Tan iyo bilaawgii sanada 2019 wafuuda kala duwan oo ka socota xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa gaaray maamul Goboleedyada,Puntland,Jubaland,Koonfur Galbeed,Galmudug iyo Hirshabeela waxaana yoolka safaradan laga sheegay in la doonayo in la horomariyo xiriirada kubbadda cagta maamul Goboleedyada.

59921898_2212897109040909_10862277663758

“Socdaalkeena waxa uu ku qotamaa in aan la kulano madaxda xiriirka kubbadda cagta Hirshabeele iyo in aan ka dhagaysano baahiya ka jira deegaanadooda, ka dibna aan la wadaagno madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta si loo wax looga qabto waxyaalaha hortabinta u leh kubbadda cagta Hirshabeele”waxaa sidaas Goobjoog ugu waramay Abuukar Islaw oo ah guddoomiyaha warbaahinta ahna guddoomiye ku xigeenka horumarinta maamul Goboleedyada.

56764591_2340895025943467_65698649241120

11- April 2019-Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) iyo wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Cali Dhuux Maxamed ayaa si wadajir magalada Baydhabo xariga uga jiray xafiisayada ururada horomarinta kubbadda cagta oo aad loo qalabeeyay.

070A9182-768x512-300x200.jpg

“Furitaanka xafiiskan ka dib waxaa inoo xigi doono in aan kawada shaqayno dhisidda kooxaha heerarka 1aad, 2aad, 3aad iyo kor u qaadida garsoorayaasha Koonfur Galbeed” ayuu maalinkaa sheegay Guddomiye ku xigeenka 1aad ee xiriika kubbadda cagta Soomaaliya Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).

56444219_374224573304849_483346695838289

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta waxaa ka go’an saddex sano ee soo aadan in 95% mashaariicda laga helo xiriirka kubbadda cagta aduunka ee FIFA la gaarsiiyo gobolada dalka,iyagoo hadafka yahay in la helo dhallinyaro xirfad saraysa oo kaalin ka qaadata kobaca kubbadda cagta Soomaaliya.

42999626_1902023606768030_59635615622150

09-12 May 2019-Guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ku maray maamulada Puntland iyo Galmudug intii uu joogay labada maamul waxa uu kulamo mirdhal ah la qaatay mas’uuliyeenta xiriirada kubbadda cagta Puntland iyo Galmudug waxaana warar ay Goobjoog ka heshay kulamadaas lagu sheegay in xiriirka Soomaaliya uu balanqaaday dhameestirka iyo dhisidda garoomada kubbadda cagta Puntland iyo Galmudug.

59867189_2212896629040957_74498471755230

Si kastaba mas’uuliyeenta iminka fadhiya xafiisayada xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa lasoo doortay 15-November 2018,doorashadoodaas ka dib waxa ay wabaahinta ka hor sheegeen in afartan sano ay xafiiska joogaan ayaa xooga saaridoonaan taageerida gobolada,si loo helo kubbadda cagta dalka oo midaysan.

070A0524-300x200.jpg

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this