Deeq A. Posted May 26, 2019 Wanlaweyn (SMN) – Degmada Xamarweyne ayaa xalay guul u soo hoysay gobolka Banaadir , kadib markii ay ka badisay dhiggeeda Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Labada degmo ayaa waxa ay soo bandhigeen tartan xiiso leh oo ay si aad ah ula dhaceen dhageystayaasha iyo taageerayaashooda. Xamarweyne oo guusha la hoyatay waxaa ay la timid dhibco gaaraya 16, halka degmada Wanlaweyn ee keensatay 12 buundo. Degmada Xamarweyne waxa ay u gudubtay wareega sided dhamaadka ee tartanka, waxaana horay isaga xaadiray degmooyinka Howlwadaag, Dharkenley iyo Kaxda oo ka wada tirsan gobolka Banaadir. Caawa tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waxaa isaga hor imaan doono degmooyinka Shibis iyo Waabari oo ka wada tirsan Group C. Taaba gelinta tartanka Shabelle waa Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adulty Commercial Secondary School. View the full article Share this post Link to post Share on other sites