Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso:-Deni oo maamul cusub u magacaabay G/Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Madaxweynaha maamulka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 27 May 25, 2019, ku magacaabay Guddoomiyaha gobolka Mudug iyo Ku-xigeenada gobolkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda
Puntland.

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda iyo waaya
aragnimadooda shaqo

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Axmed Muuse Nuur loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

2. Waxaa Xasan Cabdullaahi Warsame (Wardheere) loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Mudug.

3.Waxaa Maxamed Xasan Xuseen (Waloore) loo magacaabay Guddoomiye Ku- Xigeenka 2aad ee Gobolka Mudug.

4. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

DHAMMAAD

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this