Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo guul ka sheegtay dagaalkii Qooqaani

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Al Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaal saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Qooqaani oo hoostaga degmada Afmadow ee G/Jubbada Hoose.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa waxa ay ku sheegeen in muddo kooban ay la wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay ku qaadeen weerar culus.

Ma shaacin Al Shabaab khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ay ka dhashay dagaalkaasi.

Dhinaca kale maamulka deegaanka Qooqaani oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen dagaalyahannadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa haatan dagan, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maalmihii dambe gobollada Jubbooyinka ay ka socdeen howlgallo ka dhan ah Al Shabaab oo weli ku xoogan gobolladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this