Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo Map-ka Africa ka saartay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Itoobiya ayaa website-keeda soo dhigtay khariiradda Africa iyadoo Map-ka ka saartay Soomaaliya.

Sida ka muuqata Khariiradda Wasaaradda ay daabacday, Soomaaliya ayaa waxaa lagu daray Itoobiya, waxaana Somaliland laga dhigay dal madax-banaan oo ka mid ah Africa.

Arintaan ayaa dood adag ka abuurtay baraha bulshada, oo shacabka Soomaaliyeed ay aad u hadal hayaan tallaabada ay qaadey wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya.

Ma jirto illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo looga jawaabayo falkan ay ku dhaqaaqday wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka xiriirka wanaagsan xilligan kala dhaxeeyo DFS, waxaana dalka ka jooga Ciidamo qeyb ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this