Deeq A. Posted May 26, 2019 Baardheere (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar kooxo hubeysan ay maanta ka fuliyeen degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Weerarka oo loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa la sheegay in lagu hoy uu Baardheere uu ka dagan yahay Maareeyaha Garoonka magaaladaasi Daqare Maxamed Xirsi. Inta la xaqiijiyay waxaa weerarkaasi ku dhaawacmay illaa Askari oo ilaalo u ahaa Mas’uulkaasi. Askarta dhaawacantay ayaa waxaa la soo gudbiyay magaalada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladooda Caafimaad. Saraakiil ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa tagay Guri la wareeray, waxaana haatan socda baaritaano lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyay dhacdadaasi. Al Shabaab ayaa inta badan weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites