Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Oo Qabsaday Fadhiisimo Ku Yaalla Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Najraan)-Telefishinka Al-masiirah ee ku hadla Codka Maleeshiyadda Xuutiyiinta ayaa baahisay inay Maleeshiyaddu la wareegeen 3 goobood oo ka tirsan Degmadda Najraan ee K/Galbeed Sacuudiga, kuna dhow xuduudka dalka Yemen.

XUUTIYIINTA-OO-QABSADSAY-750x430.jpg

Xuutiyiinta waxay sheegeen inay iska hor yimaadeen Ciiddanka Dowladda Yemen ee ku sugan Xuduudka Najraan, halkaasina ay ku dileen Taliyihii Ciiddankaasi iyo Askar kale, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale, Maleshiyaddu waxay sheegeen inay 4 Askari oo u dhalatay dalka Sudan ka mid ah Isbahaysiga Milliteriga Sacuudiga ku dhawaceen dagaal ka dhacay Bariga deegaanka Al-duud ee Xuduudka Sacuudiga.

Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga iyo Isbahaysiga Carbeed weli kama hadlin sheegashadda Kooxda Xuutiyiinta inay ku qabsadeen 3 goobood oo ka tirsan Degmadda Najraan ee Sacuudiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this