Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenaydii U Horreysay Ee Soomaali Ah Oo Guddoomiye Ka Noqotay Degmo Ka Tirsan Magaalada London

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Haweenaydii u horreysay oo asal ahaan ka soo jeedda Soomaalida ayaa guddoomiye degmo ka noqotay magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.

2019526636944401254813128New-Islington-M

Raaqiya Ismaacil oo xilka guddoomiyaha degmada ee Islington kula tartantay labo musharrax ayaa ugu dambeyn xilka ku guuleysatay,iyadoo hore u soo noqotey guddoomiye kuxigeenka degmada sannadkii 2012kii ayaa wakhtigan ayaadoo ah haweenay muslim ah oo xijaaban, soogalooti dhalashada dalka Britain haysata ah ayaa loo doortey xilka mayor-nimada.

Mar ay la hadleysay bulshada Soomaalida ayay sheegtay in loo baahanyahay qof walba inay muhiimtahay hankiisa inuu usoo bandhigo oo ay xubno ka noqdaan asxaabta siyaasadda.

“Wax weyn ayay ii tahay anniga iyo bulshada Soomaalidaba xilkan la ii doortay”. ayay u sheegtay VOA-da.

Raaqiya ayaa ka mid noqonaysa tiro Soomaali ah oo dalalka reer galbeedka siyaasadoodda door ku leh xilal sarrana loo doortay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this