Sign in to follow this  
Deeq A.

20 Arday Ku Geeriyooday Dab Ka Kacay Dugsigooda Oo Ku Yaalla Dalka Hindiya.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hindiya)-Inta la ogyahay 20 dhallinyaro Arday ah ayaa ku geeriyooday Dab ka kacay iskuulkooda, Dalka Hindiya.

WEb-wo26-india-fire2.jpg

20-ka Arday ayaa qaarkood u Geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay markii Iskuulkooda oo Dhowr dabaq ah ay ka soo boodeen markii uu gubtay, si ay isku bedbaadiyaan.

16 ka mid ah Ardayda Geeriyootay ayaa ahaa Hablo yaryar oo isku diyaarinayey inay galaan Imtixaan, waxaanu iskuulkaasi oo ku yaallay dhisme aan Ganacsiga ku habboonayn Magaalada Surat ee Galbeedka Hindiya, sida Masuuliyiintu sheegeen.

Sawirro naxdin leh oo laga soo qaaday Goobta Masiibadu ka dhacday, ayaa muujinaya Ardayda oo ka soo hoobanaya xagga sare ee dhismaha, si ay isku bedbaadiyaan, gelinkii dambe ee Jimcihii.

Sawirrada Argagaxa leh ee muujinaya dhibaatada Ardaydaa gaadhay, ayaad aad ugu faafay Baraha Bulshada.
Dadka dhintay ayaa da’doodu u dhaxaysay 15 illaa 19 Jir, xilliga dabku bilaabmayna waxa hal fasal ku wada jitay illaa 50 Arday, sida ay Masuuliyiinta deegaanka dhibaatadu ka dhacday sheegeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this