Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Militariga Maraykanka ayaa sheegay in ay saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab ku dileen duqeyn ay shalay ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland.

Qoraal uu soo saaray taliska ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeynta oo lala kaashaday dowladda Federaalka Soomaaliya laga fuliyay buuraleyda Golis ee gobolka Bari ayna ku dhinteen saddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Taliska ayaa xaqiijiyay in aan dadka tayidka ah wax khasaare ah ka soo gaarin duqeynta halkaasi ka dhacday balse wixii macluumaad dheeriya daabici doonaan wakhtiga ku habboon.

Militariga Maraykanka ayaa sannadkan kordhiyay duqeymaha cirka ee lagu beegsanayo malayshiyaadka Daacish iyo Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Golis iyo Cal-miskaad ee gobolka Bari (Puntland).

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan malayshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Bari appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this