Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Sidee Muqdisho loogu qabtay sarkaal ka tirsanaa kooxda Daacish?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada NISA ayaa la sheegay inay howlgal gaar ah ka sameeyeen magaalada Muqdisho ay kusoo qabteen sarkaal ka tirsanaa kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya.

NISA ayaa qoraal kasoo baxay waxaa lagu sheegay in howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir lagu qabtay sarkaal sare oo ka tirsanaa Kooxda Daacish.

Qoraalka NISA kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ruuxa la qabtay uu ku sugnaa degmada Howlwadaag, waxaana la qabtay shalay sida qoraalka NISA lagu sheegay, iyadoo aan la shaacin magaciisa iyo waxa uu xil ahaan hayay.

“Hawlgal 24ka bishaan ciidamada amnigu ka fuliyey degmada hawlwadaag ee magalada Mogadisho ayaa laguso qabtay dhagarqabe katirsan ISIS. Ciidanka amnigu wuxuu siiwadi doonaa hawlgalada ka dhanka ah xubnaha argagixisada AS iyo ISIS, kuwaas oo ku hawlan dhibateynta shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ma bixin faah faahin intaasi ka dheeri ah, iyadoo sheegtay iney sii wadeyso howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish.

Marar badan ayaa hay’adda Nisa waxay shaacisay qoraalada ay ku sheegayaan inay qabteen saraakiisa Kooxda Al Shabaab aha Daacish, iyadoo aysan baaritaano warbaahinta lala wadaagay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this