Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Maxkamada racfaanka G/Banaadir oo $15,000 ku badalatay sii daynta nin kufsi geestay + Caddeyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Heerka kalsooni la’aanta garsoorka Soomaaliya ayaa wali aad u hooseeya waxayna qoysas badan ay cabasho ka qabaan qaabka loo dhigay dacwado madani ah oo la geeyay hey’adaha garsoorka Soomaaliya.

Kalsooni darada garsoorka iyo awood yaraantooda ku aadan fulinta go’aanada ay gaaraan waxay sababaan in dad badan oo xal ka waayay garsoorka dowladda ay u dawcad tagaan maxkamadaha Al-Shabaab oo midda ugu dhaw ay ku taalo gobalka Shabeellada Hoose.

Dadka dhibka ugu badan qaba waxaa kamid ah qoysaska danyarta ah oo aan heysan lacag arimahooda ku xalistaan, waxaana dhacda in dad badan loo awood sheegto ayadoo la adeegsanayo shaati dowladeed iyo mid qabiil, halka qaar kalane kiisaskooda dacwadaha lagu fur furo lacago la siiyo garsoorka Soomaaliya.

Maxkamadda Racfaanka gobalka Banaadir ayaa dhowaan lagu eedeeyay in ay kumanaan dollar ku badalatay kiis kufsi ah oo ay go’aan ka gaartay Maxkamadda gobalka Banaadir. Falkaan oo dhacay bartamaha sanadkii hore ayaa loo geestay gabar kamid ah qoysaska barakacayaasha ee ku nool gobalka Banaadir da’deedana lagu sheegay 14-15 sano jir.

Gabadhaan oo habeen luntay ayaa waxaa ka xeeyay oo gurigiisa geeyay wiil darawal ka ahaa mid kamid ah gaadiidka BL-ka ee magaalada Muqdisho, waxa uuna qiraal ku qirtay in uu ugu galmooday si xoog ah waxaana lagu xukumay 6 sano oo xarag ah iyo shan kun oo dollar oo magdhow ah sida ay go’aamisay Maxkamadda Gobalka Banaadir.

Racfaan ay qaateen qoyska wiilka wax kufsaday ayaa lagu sii daayay iyadoo la sheegay in aysan jirin wax dambi ah uu galay oo cadeymo loo waayay ayadoo qoyska dhibka loo geestay ay heestaan warqadda cadeynta CID iyo Isbitaalka Madiina iyo sidoo kale warqad qoraal ah oo uu kufsiga ku qirtay ninkii geestay kana hor cadeeyay Maxkamadda gobalka Banaadir.

Waalidinta gabadha la kufsaday ayaa Caasimada Online u sheegay kiiska markii la geeyay Maxkamadda Racfaanka Gobalka Banaadir qoyska laga dalbaday in ay arintaan ka haraan waxaana loo keenay lacag dhan 400$ balse ay diideen.

Qoysaka ayaa maalmo kadib lagu wargeliyay go’aanka Maxkamadda Racfaanka oo ah in dambi lagu waayay ninkii xukunka kufsiga ee uu qirtay cadeynna loo helay lagu riday waxayna ku noqotay uur ku taalo xanuun badan.

Sidoo kale Caasimada Online ayaa ogaatay in lacag qaaraan ah oo laga soo aruuriyay qabiilka wiilka kufsiga geestay in arintaan lagu kala fur furay waxaana lagu qiyaasayaa lacagta ku baxday ku dhawaad 15 kun oo dollar.

Hoos ka arag warqadda qiraalka ah ninka kufsiga geestay iyo xukunkii hore ee Maxkamadda Gobalka ku riday eedeysanaha la sii daayay ee gabadha kufsaday. Waan qarinay magaca dhibanaha la kufsaday, si aan sharafteeda u dhowrno, sida uu qabo xeerka saxaafadda.

a7e1da9e-c610-4672-93b7-da7b2ce06fb1.jpg dc04bd9e-ed2f-49ba-aea4-d2130e611bbb.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this