Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe oo kaalinta kowaad ka gashay tartanka Qur’aanka kariimka ee gobollada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Kaalin.jpg?w=1000&ssl=1Abaal-marinta ardayga kaalinta kowaad galay

Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland ayaa kaalinta kowaad ka gashay tartanka Qur’aanka Kariimka oo sannad kasta bisha barakaysan ee Ramadaan loo qabto dhammaan gobollada Puntland.

Tartanka xifdinta 30-ka jus ee Qur’aanka kariimka ah oo Sabtida maanta ku soo xirmay masjidka Al-huda ee caasimadda Garoowe ayaa waxaa kaalinta kowaad ku guulaystay Maxamed Faysal Maxamuud oo ka socday dugsiga Qur’aanka Al-Aqsaa ee Garoowe waxaana abaal-marin loo siiyay gaari nooca NOAH.

Kaalinta labaad ee tartanka ayaa waxaa ku guulaystay Cabdullaahi Bashiir Maxamed oo ka socday dugsiga Qur’aanka Daarul-Quraa ee magaalada Boosaaso oo isna abaal-marin loo siiyay $1000 Dollar oo lacag ah halka kaalinta saddexaad uu galay Cabdisalaan Xassan Maxamed oo ka socday Daarul-Hudaa ee Qardho isagoo lagu abaal-mariyay $700 Dollar oo lacag ah.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan oo tartanka soo xiray ayaa abaal-marinnada ay mutaysteen guddoonsiiyay ardaydaasi kaalmaha hore ka galay tartanka Qur’aanka Kariimka gobollada Puntland.

Kaalin.jpg?w=1000&ssl=1 Kaalka.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Garoowe oo kaalinta kowaad ka gashay tartanka Qur’aanka kariimka ee gobollada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this