Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay weriyaasha gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Madxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay weriyayaasha gobolka Mudug, gaar ahaan wariyayaasha ka hawlgala Magaalada Gaalkacyo.

Kulanka warbaahinta iyo Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Afhayeenka Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Madaxweynaha Puntland oo la hadlay weriyayaasha ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay xirfadda warbaahinta, waxaa uu u beyaamiyey dhallinyarada qaabka ugu sahlan oo ay uga qayb qaadan karaan horumarinta dalka dhanwalba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in wabaahintu tahay tiir kamid ah tiirarka dhisa dalkooda, dhan amni, dhan siyaasadda, dhan bilic iyo inay qayb ka noqdaan sidii looga gudbilahaa xaaladda uu hadda dalku ku jiro.

Aniisa Cabdalla Axmed oo kamid ahayd weriyayaashii Madaxweynuhu la kulmay ayaa faahfaahin ka bixisay arrimihii muhiim ka ah ee uu Madaxweynuhu kala hadlay.

Madaxweynuhu kulan dheer uu la qaatay wariyaasha waxaa uu kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan danaha dalkooda oo ay qayb ka noqdaan horumarka kala duwan ee ka socda Puntland, gaar ahaan Gobolka Mudug” Ayay tiri weriye Aniisa Cabdalla Axmed

9-3.jpg?w=1000&ssl=1 2-4.jpg?w=1000&ssl=1 3-4.jpg?w=1000&ssl=1 5-4.jpg?w=1000&ssl=1 6-3.jpg?w=1000&ssl=1 7-5.jpg?w=1000&ssl=1 8-4.jpg?w=1000&ssl=1 4-5.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo la kulmay weriyaasha gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this