Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhaq dhaqaaqyo xoogan oo ka socda duleedka Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa ku waramaya in weli deegaano hoostaga gobolkaasi laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Milatari oo ay wadaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaanada Baarsanguuni iyo Buulogaduud oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa Shabelle u sheegay in howlgalladaan ay yihiin kuwo qorsheysan, islamarkaana u jeedadoodu ay yahay, sidii Al Shabab looga saari lahaa deegaanada ay maamulaan gobolkaasi.

Howlgalladani ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweyne Axmed Madoobe oo booqday deegaanadaasi.

Dagaalayahannada Al Shabaab ayaa xoogan Jubbooyinka, waxaana weeraro xoogan ay ka fuliyaan gobolladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this