Sign in to follow this  
Deeq A.

Xamarweyne iyo Wanlaweyn oo caawa ku tartamaya Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa caawa tartan aqooneedka faca weyn ee Idaacadda Shabelle ku madlan degmooyinka Xamar weyne iyo Wenlaweyn oo kala matali doona gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Labada degmo ayaa kulamdii hore muujiyay dadaallo xoogan, waxaana ay la yimaadeen natiijooyin wanaagsan.

Tartamayaasha labada dhinac ayaa haatan u tafaxeydanaya ka qeyb galka barnaamjika caawa, si ay degmo weliba u difaacado dhibcaheeda.

Xamarweyne iyo Wanlaweyn degmada badisa waxa ay u gudbi doontaa wareega sideed dhamaadka ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Degmooyinka Kaxda, Howlwadaag iyo Dharkenley oo ka wada tirsan gobolka Banaadir ayaa horay isaga xaadiriyay wareegaasi.

Tartanka oo si habsami leh xarunteena dhexe Muqdisho ayaa waxaa si toos ah uga daawan kartaa boggeena Facebook Shabelle Media Network.

Sanadkan waxaa tartanka si wadajir u taaba gelinaya shirkadaha ganacsiga ee BECO iyo COCA-COLA.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this