Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaadaya mas’uuliyiin kala duwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu isbeddel ballaaran ku samayn doono maamulka iyo laamaha amniga gobolka Mudug kadib markii uu wada-tashiyo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolkaasi.

Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in madaxweynuhu xilka ka qaadayo guddoomiyaha gobolka Mudug ku xigeenkiisa iyo taliyaha qeybta Booliiska Mudug islamarkaana uu magacaabi doono mas’uuliyiin cusub.

Sidoo kale waxaa soo baxaya  warar sheegaya in madaxweynuhu xilka ka qaadayo guddoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Mudug iyo garsoorayaal kale inkastoo warbaahinta Puntland Post aysan weli xaqiijin warkaasi.

Dhinaca kale madaxweyne Deni maalinta berriya ayaa la filayaa in uu safarkii labaad ee dibadda ugu baxo waddanka Shiinaha iyadoo socdaalkaasi la xiriiro dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta.

PUNTLAND POST

The post Xog: Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaadaya mas’uuliyiin kala duwan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this