Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni“Puntland Iyada Ayaa Dhisanaysa Garoomadeeda Kubbadda Cagta”

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo ay weheliyaan golahiisa wasiirada iyo golaha sharci dajinta oo safar shaqo ku mariyay qaar ka tirsan magaalooyinka maamulkiisa ayaa Gaalkacyo ka sheegay in dowladda Puntland ayaa xooga saarayso horomarinta dhallinyarada iyo dhameestirka garoomada kubbadda cagta Puntland.

60838575_659427251137465_356075183656874

Horumarinta dhallinyarada Puntland waa mida ugu muhiisan uu maamulkayga xooga saarayso dhinacyada abuurida shaqooyinka iyo kasoo muuqashada wasaaradaha dowladda” ayuu madaxweyne Deni sheegay,isagoo safar shaqo ku mariyay gobolada Gaalkacyo.

55664438_625314181215439_463262838204189

“Si dhaw ayaan ula sodaan heerka uu marayo dhismaha garoonka Cawaale si joogta ah ayaa la ii siiyaa warbixinada ku aadan heerka uu marayo,waxaa kaloo la ii sheegay meelaha aad ka qaladeen iyo sida loo rabo in loo hagaajiyo” ayuu madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni sii raaciyay hadalkiisa.

61374259_659427531137437_368191246026198

Bilihii lasoo dhaafay March iyo April madaxweyne Deni waxa uu magaalooyinka Qardho ,Basoosaso ka dhagax dhigay labo garoon oo kubbadda cagta ah waxaana arinta si weyn usoo dhaweeyay dhalinyada iyo bahda isboortiga deegaanada Puntland.

56386478_630657397347784_675611539062915

“Farxad bay nootahay inaan dhagax dhigno garoomada kubbadda cagta Qardho,iyo Boosaaso waxaan garawsannahay ahmiyadda ay u leeyihiin ciyaaruhu waxa ay qeyb weyn ka qaadanaysaa horomarka aan la doonayno dhallinyaradeena waxaan bogaadinaynaa dedaalka ay ku jiraan xiriirka kubbadda cagta Puntland iyo maamulada labada magaalo”ayuu Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni u sheegay Goobjoog.

56555902_630657587347765_883465887358858

Madaxweyn Saciid cabdullahi Deni oo aad u faraxsan ayaa hadalkiisa ku soo xeray “waxaan rajaynaa markii la dhameeyo shaqooyinka iminka ka socda garoomada kubbadda cagta Puntland in aan kuwada ciyaarno”.

 60699734_658022617944595_800924588677529

Halkan Ka Daawo Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni Oo Ka Hadlaya Arimaha Garoomada Puntland

si kastaba kooxda Puntland ayaa sanadii 2016 markii ugu horeesay oo la qabtay ciyaaraha kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku guulaystay,balse sanadkii xigay 2017 ciyaartooyda Puntland waxa ay kaalinta 2aad ka galeen isla ciyaaryahan,iyagaoo labada jeer fiinaalka la dheelay kooxdii ka socotay maamulka Jubland,falanqeeyaasha ciyaaraha waxa ay qorshaha horumarinta garoomada Puntland u arkaan mid sii adkeenaysa xidigaha ka imaanaya Puntland maadaam ay helaan goobo casri ah oo lagu ciyaaro.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this