Sign in to follow this  
Deeq A.

Dharekenley oo u gudubtay wareega 8 dhamaadka tartanka Shabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir oo xalay guul ka gaartay dhiggeeda Warta Nabadda ayaa u soo gudubtay wareega labaad ee tartanka bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Tartamayaasha kala matalayay labada degmo ayaa soo bandhigay kulan xiiso badan oo ay dhageystayaashu u riyaaqeen.

Dharkenley oo ku gacan sareysay tartanka ayaa waxaa la weydiiyay 7 Su’aal, waxaana ay ka jawaabeen 5 ka mid ah, sidoo kale waxa ay ka faa’iideyn 3 kale, waxaana ay sidaasi ku heleen 16 buudo.

Sidoo kale tartamayaasha Warta Nabadda oo la weydiiyay 7 Su’aal ayaa waxa ay ka jawaab celiyeen 4 ka mid ah, waxaana ay ka faa’iideysi u heleen mid kale, sidaasina waxa ay ku keensadeen 10 dhibcood.

Dharkenley waa degmadii saddexaad oo u gudubta wareega sideed dhamaadka tartanka, waxaana horay isaga xaadiriyay wareegaasi degmooyinka Kaxda iyo Howlwadaag oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.

Caaw tartan aqooneedka Shabelle waxaa ku ballansan degmooyinka Wanlaweyn iyo Xamar Weyne oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Sh/ Hoose.

Taaba gelinta sanadkan tartan aqooneedka Shabelle waa Beco iyo Coca-Cola, halka su’aal diyaarintuna uu yahay Adult Commercial Secondry School.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this