Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha Ka Dhashay Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Dalka Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT- Lyon)-Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhintay qarax Bam oo ka dhacay magaalada Lyon ee ku taalla dhanka koonfur Bari ee dalka Faransiiska.

1558731455793f8.jpg

Weerarka ayaa ka dhacay qalbada wadooyinka waaweyn ee magaalada,sida ay xaqiijiyeen Booliska.

Wasaaradda amniga ayaa sheegtay in in sideed qof ay ku dhaawacmeen qaraxa, balse ilo ka tirsan Booliska ayaa sheegay in 13 qof uu dhaawaca sii Marayo.

Madaxweyne Emmanuel Macron oo shir Jaraa’id qabtay kadib qaraxaan ayaa tacsi u diray dadka ku dhaawacmay Qaraxaan.

Denis Broliquier oo ah gudoomiya magaalada ayaa sheegay in ciidanka amniga ay baadi goob ugu jireen la tuhmaha qaraxaan ka Danbeeyay.

Muuqaalo laga duubay Camerada qarsoon ee CCTV-ga ayaa laga dheehday nin wajiga qarsaday oo wata baaskiil kana tagaya afaafka moofo ku taalla goobta ka hor inta uu qaraxa Dhicin.

Dalka Faransiiska ayaa la tacaalaya weeraro kaga imaanaya kooxaha Argagixisada dhowr kii sanno ee la soo Dhaafay.

Sanadkii 2015-kii ayey aheyd markii 130 qof lagu dilay toogasho iyo qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Paris.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this