Sign in to follow this  
Deeq A.

“Afartii Caruur Ah ee ku nool Puntland 3 Ka Mid Ahi Waxay Wajahayaan Cunto Yaraan Daran” Hay’adda Save the Children

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Garoowe)-Wakhti xaadirkan afartii caruur ah ee ku nool Puntland mid ka mid ayaa helaya cunto ku filan, sida ay hay’adda Save the Children ay ku sheegtay qiimayn cusub oo ay soo saartay.

Save-the-Children-Oo-Qaylo-Dhaan-Ka-Soo-

Waxaanay tilmaantay in caruurtani ay ka fogyihiin suurtagalnimada inay cunto helaan taas oo ay keentay abaar kale oo la filayo inay ku dhufato gobolkaasi bilaha soo socda.

Sida lagu sheegay kormeer iyo qiimayn ay samaysay hay’adda Save the Childen bishii March ee sanadkan 2019-ka, taas oo tilmaantay in sahamin la sameeyey lagu ogaaday in Qoysaska Puntland ay laba wakhti ama wax ka yar ay raashin helaan maalintii, waxaanay qoysasku ay sheegeen in qiimaha raashingu uu sii kordhayo iyo in abaartu marka ay layso xoolaha nool uu hoos u dhac ku yimaado helida raashinka.

Ku dhawaad kala badh dadku waxa ay ku jawaabeen in xadiga raashinkii ay cunayeen uu yaraaday saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

Taasina waxa ay keentay, in qoysasku ay helaan raashin tayo hooseeya oo jaban, halka kuwo kalena ay u amaah tagayaan qoysaskooda ama saaxiibadoodd isla markaana ay yaraanayso in xiliyada ay raashin cunaan maalintii, taasina ay tahay sida ay kaga badbaadayaan raashin yaraanta soo food saartay.

Hay’adda Save the Children waxay ka digaysaa hadii aan kharashaad degdeg loo helin si kor loogu soo qaado adeegyada nolosha dadka lagaga badbaadinayo abaarta inay saamayn daran ay ku yeelan doonto bushada, natiijadeeduna ay noqon doonto mid fool xun.

“Bulshada soomaalidu ilaa iyo hada waxay ka soo kabanayaan abaartii 2017-kii. Wakhti xaadirkana waxa ay wajahayaan dhibaato bani’aadanimo oo weyn, aduunkuna uu daawanayo. Waxaanu haynaa xaqiiqada, iyo cabirkii roobkii da’ay, waxaananu ognahay hadii aan la qaadin talaabo degdeg ah, in caruurtu ay la kulmi doonaan todobaado iyo bilo aad u daran. Waxa aad muhiim u ah in Beesha caalamku ay dhibaatadan jirta talaabo ka qaado, iyadoo lala shaqaynayo dawlada Somalia.” Ayuu yidhi Timothy Bishop, oo ah Agaasimaha hay’adda Save the Children’s ee dalka Somalia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this