Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Reer Eriterea Ku Bogaadiyey 28 Guurada Madaxbannaanidooda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa dhambaal hambalyo ah u diray sannad guurada 28-aad ee Madax-bannaanida Eriterea.

45073631045_253e98b725_h.jpg

Siday baahisay warbaahinta dawladdu wuxuu Ra’iisul-wasaare Abiy uu dhambaalkiisa Hambalyada ah ku yidhi “Waxaan dhambaal hambalyo ah gaadhsiinayaa shacabka iyo dawladda Eriterea oo aan ku bogaadinayo munaasibadda 28 Guurada madax-bannaanida Eriterea.”

Abiy Axmed wuxuu sheegay in kor loo sii qaadi doono cilaaqaadka walaaltinimo ee Itoobiya iyo Eriterea. Waxaanu ballan qaaday in iskaashiga labada dal noqon doonaan qaar labada dalba dani ugu jirto.

Waxa kaloo Ra’iisul-wasaaraha Itoobiya nabad iyo horumar u rejeeyey shacabka reer Eriterea.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this