Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Soomaali Ah Oo Haysta Ah Dhalashada Maraykankaoo Lagu Helay Inuu Feedhay Siyaasi Kenyan Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi waxaa la soo taagay Jamaal Maxamed oo ah Soomaali haysta Dhalashada Maraykanka, kaasi oo lagu soo oogay inuu feedhay Siyaasi lagu magacaabo Xuseen Maxamed oo hore u ahaa Xildhibaan laga soo doortay Wajeer sannadkii 2017-kii.

Jamalcourt-750x430.jpg

Eedeysanaha waxaa lagu eedeeyey inuu Siyaasigaasi ka dhigay Naafo, kadib markii uu ku feedhy Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi bishii September 17-dii ee sannadkii 2017-kii.

Dhibanaha ayaa la sheegay inay dhaawacyo culus ka gaahdeen Lugta Bidix, taasi oo sababtay inay naafo noqoto.

Eedeysanaha waxaa kaloo lagu soo oogay inuu si sharci-darro ah ku joogay gudaha dalka Kenya.

Garsooraha Maxkamadda Makadara, Enice Kimaayo waxay sheegtay inuu Eedeysanaha dhibaato gaadhsiiyey Dhibanaha oo ay waxyeello xooggan soo gaadhay.

Garsooradda waxay tilmaamtay in la hayo caddaymo ku filan oo taageeri kara dacwadda loo haysto Eedeysanaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this