Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil sar sare oo ka tirsan Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Bardaale (Caasimada Online)-Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Baay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, kadib baaritaano ay ka sameeyeen degmada.

Ciidamada maamulka Koofur Galbeed ayuu sheegay inay baaritaankaasi ka sameeyeen degmada iyo deegaano ku dhow dhow, waxaana guddoomiyaha degmada uu sheegay in xubnaha la qabtay ay Al Shabaab ka tirsanaayeen.

Guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Xuseen Isaaq oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in xubnaha la qabtay oo gaaraya seddex ruux loo wareejin doono magaalada Baydhabo, si halkaasi maxkamad loogu soo taago.

“Degmada amaankeedu wuu soo hagaagay, nimankii amni diidka ahaa ayaa waxaan kasoo qabanay dad lala xiriirinayo inay Al Shabaab ka tirsan yihiin, Hadda waxaan gacanta ku heynaa seddex ruux oo Al Shabaab ka tirsanaa”

“Al Shabaab inta badan wey is qarinayaan, laakiin baaritaanka ciidamada daraawiishta ay ka sameeyeen Bardaale iyo duleedkeeda, laakiin hadda waxay Al Shabaab ku soo koobmeen inay dhuumaaleyso weerar ku qaadaan, waana fashilka lagu ogaado marka koox ay burbureyso”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Bardaale.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay inay wanaagsan tahay xaalada wadada isku xirta Bardaale iyo Baydhabo, halkaasi oo Al Shabaab inta badan ay weeraro ka geystaan Al Shabaab.

Xubnaha Al Shabaab ee la qabtay ayaanan wali lasoo bandhigin, waxaana guddoomiyaha degmada Bardaale uu sheegay in baaritaan marka ay ku sameeyaan xubnahaan kadib inay saxaafadda usoo bandhigi doonaan islamarkaana loo wareejin doono magaalada Baydhabo.

Caasimada Online
Xafiiska Baay
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this