Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo £8 million Uga Jawaabeysa Abaarta Ka Jirta Soomaaliya, 5.4 million Qof Ayaa Laga Deyrinayaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay iney Soomaaliya ku taageereyso ilaa £8 million oo wax looga qabto abaarta ka jiro goobo  badan. Meelaha sida gaarka ah loo xusay waxaa ka mid ah cunto la’aan, nafaqada, biyo nadiif ah, caafimaadka dadka iyo xoolaha iyo arrimo kale.

Iyada oo aaney dad badan  ka soo kaban abaartii 2017-kii ayaa waxaa helay dhibaato kale, 2 sano ayaaney roob di’in taasi oo xaaladda khatar gelisay.

Hey’adda OCHA waxaa ay ku qiysaastay in ilaa 5.4 million oo Soomaali ah ay haatan wajahayaan cunto yari, oo 2.2 million ay aad u daran yihiin.

20-kii May hey’adaha gargaarka Soomaaliya waxaa ay codasdeen gargaar degdeg ah, waxaa ay doonayeen $710 million oo arrimaha abaarta wax looga qabto, gaar ahaan dad gaaraya 4.5 million.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this