Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweye Farmaajo oo ka qeyb galaya caleema saarka Madaxweynaha K/Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Johannesburg  (SMN) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Magaalada Johannesburg ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee K/Afrika Cyril Ramaphosa oo maanta lagu qabanayo M/ Pretoria ee dalkaasi.

Sidoo kale waxaa caleema saarka lagu marti qaaday qaar ka mid ah madaxda dalalka Caalaamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan duceedyo la yeelaN doono madaxda sare ee South Africa, isaga oo kala hadli doono arrimo ku aadan xoojinta xiriirka labada dowladood iyo dhibaatootinka ganacsatada Soomaaliyeed loogu geystay dalkaasi.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb galaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this