Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Rw Khayre oo xarigga ka jaray Masjid cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta si rasmi ah u furay Masjid cusub oo ay yeelanayso xarunta Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA),iyadoo loogu magac daray taliyihii ugu horeeyey ee Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Axmed Saleebaan Dafle.

Munaasabadda xarig jarka waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehelinayay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS iyo Mas’uuliyiin kale.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa uga mahad celiyey Maamulka iyo shaqaalaha Hay’adda juhdiga iyo dadaalka dheeriga ah ee ay galiyeen dhismaha masjidkan oo ahmiyad weyn u leh shaqaalaha xarunta.

Dhismahan Masjidka oo socday muddo dhan afar bilood ayaa loo dhisay qaab casri ah isaga oo sidoo kale loo nashqadeeyey si aad u heer saraysa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre dhanka kale kormeeray qeybaha ay ka kooban tahay xarunta Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya (NISA),isagoo sidoo kale indha indheeyey waaxyaha kale ee xarunta.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

IMG-20190524-WA0033.jpgIMG-20190524-WA0031.jpgIMG-20190524-WA0038.jpgIMG-20190524-WA0044.jpgIMG-20190524-WA0042.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this