Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxgaradka Soomaaliyeed oo eedeyn u jeediyay Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdishop (SMN) – Nabadoon Bedal Jaamac Xirsi (Laangare) oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Kenya ay baabi’ineyso calaamadaha xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Nabadoonka oo la hadlayay Shabelle ayaa hoosta ka xariiqay in arrintan dowladda Kenya ay kaga gol leedahay, si ay u baneysato bariga iyo badda Soomaaliya.

Sidoo kale Nabadoon Bedal ayaa xusay in Kenya ay tirtireyso Astaantii Ingiriiska ee uu ku kala xadeeyay Soomaaliya iyo Kenya

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan dowladaha Kenya iyo Soomaaliya uu soo kala dhexgalay mad madow Siyaasadeed iyo muran dhinaca badda ah, kaas oo ay dacwaddisa ka furan tahay Maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this