Sign in to follow this  
Deeq A.

Askartii ka hor-tagtay ninkii Ahlu-Sunna isku qarxin rabay oo la abaal-marinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan (Masagawaa) oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la abaalmarinayo askartii ka qaybgashay howlgalkaas looga hortagay nin isku qarxin rabay Magaalada Guriceel.

Wasiirka ayaa sheegay in madaxda sare ee Galmudug ay go’aansadeen in la dhiira-geliyo askartaas, maadaama Naftooda ay u hureen in ay qabtaan nin Walxaha qaraxa ku xirnaa sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Ammaanka Galmudug ayuu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada lagu raadinayo dadka lagu tuhmayo kiiskaan in ay wax ka ogaayeen.

Maxamuud Aadan Cismaan (Masagawaa) Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay kordhiyeen howlgalada iyaga oo kaashanaya shacabka.

Waxa uu tilmaamay in Al-Shabaab Magaalada Guriceel ay hadda kahor isku dayeen in ay mar galaan, balse dhib lagu gaarsiiyay sida uu hadalka u dhigay.

Ciidamada ammaanka Galmudug, tan iyo shalay waxa ay wadeen howlgalo lagu sugayo ammaanka Magaalada Guriceel, kadib markii nin Walxaha qarxa ku xirnaa oo galay Xarun ay ku sugnayeen Hogaanka sare ee Ahlu Sunna, waxaana ay ka qaybgalayeen askar kaga dhimatay dagaal sanado kahor Al-Shabaab ay kula galeen Guriceel.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this