Cowke Posted July 8, 2010 Qoraa Somaliyeed oo soo bandhigay Buug la yaableh..”Safarkii la yaabka lahaa”.. Jun 25, 2010 with Comments 0 Qoraa Somaliyeed oo lagu Magcaabo Abdirizak Omar oo ku nool waddanka Maraykanka gaar ahaan magaalada Newport ee Gobolka Minnesota, ayaa soo bandhigay Buuq uu ugu magacdaray, Safarkii Layaabka lahaa, kaas oo qoraagu kaga sheekayano qisooyin dhab ah oo ku saabsan will ku dhashay Miyiga oo markii uu hanaqaaday la kulmay dagaaladdii sokeeye, islamarkaana soo galay xeryaha qaxootiga Kenya, muddo kaddibna usoo hayaamay Dalka Marayka. Buggan oo laga dhex helayo Madadaalo iyo qisooyin aad loo la yaabo oo soo maraya wiilkaas yar iyo weliba isbeddelka ku dhacaya marka uu yimaado dal aanu Afkiisa, dhaqankiisa iyo cimiladiisa aanu aqoon, taasoo laga dheehan karo dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka qaxootiga ahi marka ay tagaan dal ka duwan , dalkii ay ka yimaadeen marka loo fiiro dabeecadaha aynu kor ku soo sheegnay. buuggaan oo aan qaybo kamid ah akhristay waxa uu igu noqday mid aan ka dhergi waayo qisooyinka layaabka leh ee uu xambaarsan yahay, oo aan ku noq-noqdo marar badan, waxaana aan jeclaan lahaa in aad ila fii riisan oo aad ka dalbataan cinwaanka hoos ku qoran. Buuggan waxaad ka dalban kardaa Web. www.authorhouse.com si aad buugga u heshaan marka aad Page-ku inii soo baxo waxaa aad qaybta Search-ka aad ku qoraysaan Buugga Cinwaankiisa oo ah Miracle journey amase qoraaga Magaciisa oo ah, Abdirizak Omar. The Miracle Journey is a heartrending and incredible story that starts with the birth of a child in a nomadic land and takes you to the chaos of a civil war, and from there to the high rises of the Minneapolis, Minnesota. It also shows how difficult and confusing it can be for new immigrants trying to adapt to life in America. You can buy this book from this web. www.authorhouse.com Quote Share this post Link to post Share on other sites