Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Kaahin Iyo Faysal Cali Waraabe oo si wada jir ah daboolka uga qaaday in ay Hargeysa ku casuumayaan gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ee Somaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
MaxamedKaahinFaysalWaraabe-300x225.jpg

 

Nayrobi,(Qaran news)-Wasiirka arimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kahin Axmed iyo gudoomiyaha xisbiga UCID- mudane Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta si wada jir ah ula hadlay ayaa daboolka ka qaaday in ay la kulmeen gudoomiyaha xisbiga Waddajir ee Somaliya Cabdishakuur Warsame, sidoo kale waxa ay sheegeen in ay Hargeysa ku casuumayaan xisbiyada mucaaridka ee Somaaliya.

Casuumadani ay xisbiga Kulmiye iyo xukumadda Somaliland ay hada u fidiyeen madaxda mucaaridka Somaliya, lama garnaayo waxa uu kaga duwanyahay mawqifkii uu hore madaxweyne Muuse Biixi uga qaatay in aanu dalka imanin madaxweynaha Somaliya Mr Farmaajo oo xiligaasi abaan ka soo dhigtay Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abi Axmed.

Sida aynu wada ogsoonahay xisbiyada mucaaridka ee Somaliya waxa ay la mabda yihiin madaxweynahooda Farmaajo, waxana ay aaminsanyihiin in Somaliland oo ka go’oday 1991kii in ayna sheekadaasi haba yaraatee waxba ka jirin.

Waxana xukumadda iyo xisbiga UCID- looga fadhiyaa in ay faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan waxyaabaha ay ku qanciyay in ay u laalaan qadiyadii Somaliland ee ay ugu milmeen siyaasadii xisbiyada Somaliya oo aan ahayn dal cagihiisa ku taagan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this