Sign in to follow this  
Deeq A.

Dariiqaa Bur-Buray Iyo Daasadaa Guuxaysa Ayaa Dadkeeni Ku Idlaaday. W/Q: Abdrashiid Awmuse Aadan (igmaawi)

Recommended Posts

Deeq A.   

Asc. dhamaan akhristayaasha karaamadaleh ramadaan Kariim,

waxaa muuqdaoo sida cedceeda ucad shilalka gaadiidka iyo dadka ku dhimanaya oo intii ka hore ka badan somaliland .

408635CE-CE8A-4886-8E3B-8A3B121DB86C.jpe

Waxaa xasuustayda ku soo noqnoqda daka inanagaga baxay dariiqyadaa burburay iyo daasdaha guuxa ee aan loo meel daynin, qadarka alle Ka sakow inaka ayaa gabnay In ay wax isbadal ahi yimaadaan oo dhanka wadooyinka iyo wadayaashaba ah kaagagsii daran waxaa iyana ina gumaaday gaadhiga guran ee dalka sida Daadka usoo galaya.

Sanad walba waxaa sii kordha dadka shilalka gaadiidak ku dhinta wadankeena bishaa ramadaan waxaa la sheegayaa tirada dhimashadagaadiidaka inay kor udhaaftay 30 qofwaa muda 7cisho ah.

Waxatan garab taala xili roobaadka dooxyada udhexeeyagobolada dalka oo dhibaatoxoogani ka taagantay, waxaa ka sii daran qorsha laanta dad iyo dawladba inaga haysta dhibataadan macmiilka noqtay ee wadooyinka iyo gadiidka iyo dooxyadaba ah .

Waxaan maqlaa plans ay sheegto dawladu oo malaayiin doolar Lagu sheego in lagu korsheeyo hawlahan oo kale sida SDF oo kale , Hadana waxa laga qabtaa maaha 10%. Dhamaan mashaariica ah dalka eewadooyinku malaha tayadii, qaabkii iyo dhismihii wado ee ay ku noqon lahay mid Quality leh malaha Drainage system ama hab ay biyo kaga dagaan wadada waay waxaad arkaysaa waddo farta laga qaaday oo hadana dhulka caadiga ah ka hoosaysa biyuhuna rogmanayaan .

Hadaba maxaa qaldan ma engineers-ka, ma plan-ka mise inaga ayaan awoodin in aynu 30 sano oo ayn gaar utaaganay waddo quality leh helno aan u bislayn , doodaydu maaha maxaa wadooyinka oo dhan loo hagaajin waayay waayo dhaqaale ahaan ayaynaan awoodinee waxa weeye waar maxaa inoo diiday haba yaraatee 20KM noqotee in yar oo leh tayo-fiican( road quality). Dawladihii kaladambeeyay eekulmiye wax wayn baan ka saarayaa arintaa.!!

Gaba-gabadii waxaa ugu horayn looga baahanyaydawlada in ay wadooyinka dalka usamayso qorshe ka sareeye kan hada lagu wado ee kacaa kufka ah ee dawladaha hoose iyo mashaariica ah dhiciska ah, waxaan kaloo soo jeedin lahaa in wadooyinka loo sameeyo hay-ad ka tayo roon tan ahaatan faraha kula jirta ee warba ka ahyinin. Waxaa iyana loo baahan yay in lagu soo jeedyo indhaha caalamka, deeq bixiyayaasha , ururada bulshada iyo dhamaan daneeyeyaasha halka ay reero la rafanayaan wadooyin raf ah oo aan tayo lahayn.

Hadii kale sideenii awlba aynu ahayn aynu tacsida la boobno kolba qofka haldoorka ah ee dariiqan iyo daasadan inagaga baxa oo aynu nidhaahno shilbuu ku dhintay iydoo aan qadanka labaajinayn. Ilaahay waxaa kabaryay inuu quluubteena tuso tamarteena rasmiga ah ee aynu qaban karno.

W/Q: Abdrashiid Awmuse Aadan 

rashaad055@hotmail.c

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this