Deeq A. Posted May 24, 2019 Ra’iisul wasaaraha dalka UK Theresa May ayaa jimcaha maanta shaacisay in ay si rasmi ah xilka isaga casilayso 7-da bisha June ee soo socota si loo doorto ra’iisul wasaare cusub. Mrs May oo u hadlaysay si caadifad ka muuqato ayaa sheegtay in ay dadaalkii ugu badnaa ku bixisay ka bixitaanka boqortooyada Ingiriiska ee Midowga Yurub balse dadaalkaasi mira-dhali waayay. Waxay sheegtay in ay ka qoomayneyso in iyadoo dadaalka intaasi le’eg ku bixisay ay haddana fulin wayday heshiiskii ka bixitaanka Midowga Yurub ee dalka Uk. Mrs May ayaa go’aankan qaadatay kadib markii ay cadaadis xooggan kala kulantay xubnaha xisbigeeda muxaafidka ah oo ka horjeestay tallaabooyinkeedii u dambeeyay ee la xiriiray fulinta heshiiska ka bixitaanka Midowga Yurub ee boqortooyada Ingiriiska. PUNTLAND POST The post Theresa May oo shaacisay wakhtiga ay is casilayso appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites