Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Jubbaland oo xalay Hoyday Furun Dagaal oo isku horfadhiyaan Ciidamada Jubbaland iyo Al Shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo ( SMN):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo shalay booqday  Deegaanada Baarsanguuni iyo Buulogaduud ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa xalay halkaas kula hoyday Ciidamada Maamulkiisa ee ay is horfadhiyaan Al Shabaab.

Mudane Axmed Madoobe oo la hadlay Warbaahinta ayaa  sheegay in ay Ciidamadu shaqo wanaagsan ka qabteen deegaanada uu booqday dhawaana la bilaabi doono howlgalo Cusub oo lagu xoraynayo deeganada kale ee Gobolka sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa inta uu halkan ku sugan yahay la kulmi doona Sarakiisha iyo Ciidamada Jubbaland ee howlgalada ka wada deegaanadan.

Madaxweynaha waxaa socdaalkan ku weheliya Taliyaha Guud ee Ciidamada Jubbaland Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Taliyaha qaybta afartan iyo Sadexaad guutada kow iyo Tobnaad iyo Sarakiil kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this