Sign in to follow this  
Deeq A.

Dikreeto: Maamulkii isbitaalka guud ee Garoowe oo la beddelay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbtitaalka guud ee magaalada Garoowe Maxamed Xaamud Maxamed (Gacal).

Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa xilka looga qaaday Maxamed Gacal waxaana xilkaasi loo magacaabay Drs Xabiibo Nuux Ismaaciil oo kamid ah dhaqaatiirta ka hawlgala caasimadda Garoowe.

Dikreetada ayaa sidoo kale ayaa sidoo kale xilka looga qaaday agaasime ku xigeenkii isbitaalka Cabdulqaadir Jaamac axmed iyadoo loo magacaabay Maxamuud Cabdirashiid Nuur.

Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda Sharma’arke Nuur Maxamed ayaa isna xilka laga qaaday waxaana lagu beddelay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdiraxmaan.

Agaasimaha cusub ee isbitaalka iyo xubnaha kale ee la magacaabay ayaa sida qorshaysan xilka la wareegi doona maalinta berriya oo Sabtiya.

Halkaan ka akhriso dikreetada

Magacaabista.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dikreeto: Maamulkii isbitaalka guud ee Garoowe oo la beddelay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this