Sign in to follow this  
Deeq A.

“Somalia waxaad moodaa iney reero gaara isi siiyeen wey dhamaatay i dooro aan ku dilee”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa warbixin dheer ka qoray xaaladda dalka Soomaaliya uu marayo iyo dad gaar ah oo uu sheegay inay isa siiyeen xukunka Soomaaliya.

Warbixintiisa dheer ayuu ku sheegay in isbadal la doonayo in laga sameeyo Soomaaliya, isaga oo sheegay in dadka gaar ah ee is lahaysiiyay xukunka dalka inay ka dambeeyaan dib u dhaca dalka ku yimid.

Hoos ka aqriso qoraalka madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cosoble.

Dalkaan waxaad moodaa iney reero gaara isi siiyeen. Ka soo billow 1960kii ilaa iyo maantadan la joogo, haddii laga talinaayo ayagaa ka talinaayay oo isku bed beddelaayay, haddii la boobaayay ayagaa boobay, haddii colaad la huriyay ayagaa huriyay, haddii dhibaato la geysteyna ayagaa geystay. Haddana wexey rabaan iney sii taliyaan, iney sii boobaan, iney colaad sii huriyaan iyo iney dhibaato sii geystaan. Weliba sidii odeygii reerka ka bireeyay rida dherigana ka jabiyay ayey aamisan yihiin iney yihiin dad wanaagsan.

Haddaad u sheegtid oo aad tiraahdid war sow waxaa oo dhibaato ah kama eydaan shaqeyn, wuxuu ku leeyahay reerka dad fiicanna waa ku jiraa. Haddaa tiraahdo war hebel baa idinka soo baxay oo wuu tala xumaa, haddana hebel kalaa idinka soo baxay wuuna tala xumaa, mid saddexaad oo idinka soo baxayna wuu tala xumaa ee ma adinkaa maalin walba la idinku nasiibsanayaa, sow dad kale ma jiro? Wuxuu kuu arkayaa inaad reerkooda neceb tahay, cuqdad buuna kuu qaadayaa. Reerkiisa iney dalka ka taliyaan ayuu rabaa ee wax dan ah kama laha dhibaatadii ku soo gaartay.

Waxaa la yiraahdaa in hal ficil sameyntii lagu celceliyo ayadoo la filaayo in jawaab tii hore ka duwan la helo waa nooc waallida ka mid ah. In reerihii dalka taladiisa soo qabtay lagu celceliyo xukunka lana fisho dhaqan ka duwan wixii la soo arkayay 1960kii ilaa iyo waqtiga la joogo waa nooc ka mid ah waallida Soomaaliya ka jirta. Wexey weliba u sameysteen maahmaah oraneysa: nimaan talin jirin hadduu taliyo nimaan tegi jirin baa taga. Waa maahmaah been ah oo micnaheeda uu yahay aanoo talo xun haddana aan kuu sii taliyo. Waxaa ayadana been cad ah oo weliba islamnimadana ka fog maahmaahda ah “rag iska celi iyo Rabbi ka cabso meel islama galaan’. Laa xowla walaa quwata illaa billah. War been ku fara weynaa oo dulmi qiil u sameysan ogaa. Maahmaah nadiif ah waxaa ahaan laheyd ‘ragga waa la iska celiyaa Rabbina waa laga baqaa’.

Mar haddii la ogyahay iney dhibaato soo jireen ah jirto, in is beddel laga fisho kuwii isbeddelka keeni waayay ma aha, in isbeddelka la baryana maaha ee waa in la dhaliyo.

Waxaan aaminsanahay iney dhamaatay sheekadii aheyd kistaan hoo ee i dooro aan ku cunee. Sidoo kalana waxaan aaminsanahay inaan dib loo dooran doonin qof iyo reer la tijaabiyay oo lagu noqnoqday oo lagu hungoobay.

Waxaan ku talinayaa xukunka iyo talada dalka in la baahiyo, Soomaalida lixdanka sano aamusneydna in la tijaabiyo, hana loo guntado is beddel dhab ah inuu ka dhaco Soomaaliya doorashada na soo aadan ee 2020/2021. Waxaan hubaa shakhsiyaadkii la soo arkay iyo reerahooda kuwo ka liita ineysan imaan doonin.

Enough is enough! Kuwa Soomaali sidaan biday nasta ha la yiraahdo. 2020/2021 waa inuu is beddel dhab ah dhacaa, min xildhibaan ilaa iyo madaxweyne.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this