Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo sheegay inay weerareen gaadiid uu la socday madaxweynaha Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen gaadiid uu la socday madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo booqasho ku tagay saldhigyo ciidamada Jubbaland ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.

Al Shabaab waxay sheegteen in dagaalka uu ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Baar iyo deegaanka Buula Gaduud, waxayna sheegeen inay xubnaha ururka Al Shabaab weerarkaasi ay ku qaadeen kolonyada madaxweynaha Jubbaland.

Balse Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka madaxtooyada Jubbaland oo ay kaga hadleen warka kasoo baxay Al Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa gaaray Saldhigyada ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka Kismaayo, isaga oo sheegay inay diyaar u noqdaan weeraro la qorsheynayo in lagu qaado Al Shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa abaabul dagaal ka wada deegaanada maamulka Jubbaland, madaxweynaha Jubbaland ayaana iclaamiyay dagaal ka dhan ah ururka Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ee ku sugan deegaano ka tirsan Jubbada Hoose ayuu la kulmay Madaxweynaha,waxaana uu xalay ku hoyday deegaanka Baar-sanguuni,.

Axmed Madoobe ayaa saraakiisha uu la kulmay kala hadlay sidii loo qaadi lahaa dagaal ka dhan ah ururka Al Shabaab.

Deegaano ka tirsan labada Gobol ee Jubbooyinka ayaa waxaa maamula Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab,waxaana mararka qaar ay weeraro kusoo qaadaan Saldhigyada Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this