Deeq A. Posted May 24, 2019 Boosaaso (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan maamulka Puntland. Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay magaalada, iyadoo rasaasta labada dhinac is weydaaranayeen laga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso, sida dadka deegaanka ay sheegeen. Wararkii ugu dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya in weerarka uu ku dhintay mid kamid ah askarta ciidamada Booliska Puntland, kaasi oo la sheegay inuu ilaalo u ahaa taliyaha ciidamada Booliska. Ma jirto faahfaahin maamulka Puntland ay ka bixiyeen weerarka ka dhacay magaalada Boosaaso, sidoo kale ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay weerar xalay ka dhacay magaalada. Magaalada Boosaaso waxaa kusoo kordhaya Amni darada, iyadoo labadii bil ee ugu dambeysay ay ka dhaceen weeraro, qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo kooxo hubeysan ay geysanayaan. Weerarkii ugu dambeeyay ayaa todobaadkii hore ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaana weerarkaasi ku dhintay askari ka tirsan ciidamada maamulka Puntland. Puntland ayaa dagaal kula jirta Al Shabaab iyo kooxda Daacish oo ka dagaalama deegaanada Buuralayda ah ee maamulka Puntland. Caasimada Online Xafiiska Puntland Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites