Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay saska dowladda Kenya ka qabto Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online)-Wargeyska The standard ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa sheeko dheer uu ka qoray xiriirka mugdiga uu hareeyay maalmahan ee Somalia iyo Kenya waxa uu ciwaan uga dhigay “Muxuu yahay saska ay Kenya ka qabto Soomaaliya?”.

Sheekadan ayaa lagusoo hadal qaaday in Xukuumadda Nairobi ay walaac ka qabto deyn cafinta loo sameynayo dalka Soomaaliya, booqashadii taliyaha ciidamada Africom ee Mareykanka Soomaaliya ku tagay kol hore , Ciidamada DANAB ee lasoo baxaya cududda xooggan iyo kulankii RW Kheyre uu la yeeshay Madax sare oo ka socotay Bank-ka adduunka, hay’adda IMF iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Wargeyska ayaa sheegay lacagaha deyn ahaanta looga cafinayo Soomaaliya ay gaarayaan $5 billion (Shan bilyan oo doolar” . Warbixinta ayaa lagu xusay in Kenya ay aad ula yaabantahay sababta dalkan ka baxaya colaadaha sokeeye sidaan oo dhan loogu siinayo muhiimadda.

Dhinaca kale Wargeyska The Daily Nation ee kasoo baxa Magaalada Nairobi ayaa qeybta kartuunka waxa uu kusoo bandhigay sawirro loo ekeysiiyay Madaxweynayaasha labada wadan ee Soomaaliya iyo Kenya ee Kenyatta iyo Farmaajo.

Madaxweynaha Kenya sawirka u muuqanaya ayaa loo xiray Qiimiis madow ah, Cimaamad iyo Cigaal.

Miiska u dhexeeyo ayaa la hoos dhigay Fuusto lagu qoray “Oil” oo uu micnaheedu noqonaya “Shidaal”, waxaana lugaha dul saartay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

60855540_1077898819077683_46411040103742

sawirkan ayaa u muuqanaya in lagusoo koobay nuxurka isfahmi waa ee ka dhexeeya labadan dowladood

Xaaladda ayaan la saadaalin karin sida ay noqon doonto, walow dowladda Soomaaliya ay soo saartay war saxaafadeed nuxurkiisu ahaa Iney ka xuntahay talaabooyinka aan farxad gelin ay Dowladda Kenya ku dhaqaaqday.

W/Q:- Cabdicasiis Axmed Barrow.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this