Sign in to follow this  
Deeq A.

Xarunta degmada Kaaraan iyo haween badan oo halis ugu jira qatar amni oo weyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Sanadihii ugu dambeeyay Al-Shabaab waxay fursad muhiim u ah arkeyn in ay weeraraan xarumaha degmooyinka ee Dowladda Hoose Xama,r waxaana halkaasi ku dhamaada dad badan oo maras ah iyo shaqaalaha Dowladda ee Gobalka Banaadir.

Iyadoo ay qatartaas jirto Maamulada degmooyinka, hey’adaha amaanka iyo Maamulka Gobalka Banaadir kama muuqato feejignaan amni iyo u diyaar garow qatarta kooxdaan caadeysatay leynta dadka shacabka ah.

Goobaha halista ugu jira weerarada Al-shabaab ee aan diyaar-garowga ka muuqan waxaa kamid ah xarunta maamulka degmada Kaaraan oo 90% dayacan.

Xarunta degmada waxay ku taala laamiga isgoyska degmada Kaaraan halka loo yaqaano (Isgoyska Jiira Wacbuudhan) ma jirto wax difaac ah oo ay leedahay haba-yaraadee waxa uuna gaarigii ka leexda laamiga uu ku tagayaa darbiga degmada oo dhamaad ah. Sidoo kale degmada malahan Ciidamo ilaaliya oo banaanka fadhiya.

Waxybaaha kale ee aan ku aragnay halkaasi waxaa kamid ah Gudaha degmada waxaa maalintii taga, dad aan ka yareyn 150-200 oo qof oo u badan haweenka nadaafadda, dad shaqa u doonta, shaqaalaha degmada iyo bulsho kale.

Degmada waxay leedahay laba waardiye oo kala ah gabar iyo wiil oo baara dadka galaya degmada waxayna taas kuu muujineysaa halista degmada ka jirta.

Waxyaabaha kale oo ay Caasimada Online halkaasi ku aragtay waxaa kamid ah Albaabka degmada waxaa ku ganacsada haween badan oo ku hor iibiya qaad iyo qudrad, sidoo kale waa rug ay shacabka hor istaagaan oo laga raaco gaadiidka u soo safra degmada Xamar Wayne ee gobalka Banaadir.

Degmada Kaaraan kuma jirto goobaha go’doonka la geliyay ee la sheegay in amnigooda la sugayo, waxa uuna gaarigii ka yimaada Shabeelooyinka iyo duleedyada magaalada uu tagi karaa xarunta degmada isagoo aan soo marin baro Kontarool, waana sababta keentay in aan ka digno halista amni ee degmada.

Al-Shabaab ayaa mid kamid ah sadexdii qarax ee ugu dambeysay waxay ku weerarayn xarunta degmada Warta-nabadda ee Gobalka Banaadir oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo shacab iyo shaqaale dowladeed isugu jira, sidaas darteed maxaa diidaya in Al-Shabaab ay weeraraan xarunta degmada Karaana hadii ay dayacantahay ?

Sidoo kale, hore waxay u weerarayn xarumaha degmooyinka Wadajir, Howl-wadaag iyo Hodan halkaas oo lagu waayay carruur iyo dumar. Waxaa muuqata in aysan hey’adaha amaanka iyo dowladda wali cashir ka baran qatarta Al-Shabaab, hadii ay bartaynna waxaa muqata in ay dayacayaan boqolaal bir-magayda ah.

Caasimada Online ka hor inta aysan daabicin warbixintaan waxay la wadaagtay mas’uuliyiinta maamulka degmada Kaaraan iyo hey’adaha amaanka Soomaaliya, gaar ahaan Booliiska waxaana laga joogaa muddo dhowr ah waana sababta keentay in halkaan ku daabacno maadaama magaalada Muqdisho ay wajahayso halis amni.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this