Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo Sawirrada: Farmaajo oo kormeeray warshad ay hirgeliyeen ciidamada DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqday Warshadda Qalabka Dhismaha oo ay dib u hawlgaliyeen Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha ay ka koobantahay warshaddan iyo xaddiga wax-soosaar ee ay leedahay, isagoona xog-wareystay injineerrada Soomaaliyeed ee gacanta ku haya.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu faray laba bilood kahor sidii dib loogu hawl gelin lahaa warshaddan oo ka kooban saddex qeybood oo kala ah, qeybta dhista laaamiyada, qeybta dhismaha guryaha iyo qeybta sameynta tuubooyinka lagu dhiso bullaacadaha.

Sidoo kale, Sarreeye Guud Bashiir ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu maanta kala hadlay dib- u-how-gelinta Warshadda Dharka Ciidanka, taas oo qeyb ka ah qorshaha dib u habeynta iyo tayeynta Ciidamada Qalabka sida.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaanay Ciidanka Asluubta dadaalka ay ku bixinayaan in ay kabaan baahiyaha dhanka wax-soosaarka ee ka jirta dalkeenna iyo sidii aan isku tashi uga gaari lahayn dhanka dhismaha iyo agabka xafiisyada.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa uga mahad-celiyey Madaxweynaha mudnaanta uu siinayo barnaamijyada wax-ku-oolka ah ee lagu horumarinayo dalka, iyagoona ballan qaaday in wax-soosaarka ugu horreeya ee Warshaddan dib loogu dhiso doono Taallooyinkii hore ee lagu maamuusay halyeeyadii Soomaaliyeed.

BE2I1212.jpg BE2I1373.jpg BE2I1335.jpg BE2I1320.jpg BE2I1296.jpg BE2I1304.jpg BE2I1264.jpg BE2I1272.jpg BE2I1252.jpg BE2I1199.jpg BE2I1219.jpg BE2I1365.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this