Sign in to follow this  
Deeq A.

Ajaaniibta Al-Shabaab oo cabasho ah islamarkaana dhisaya koox kale oo cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dagaalyahannada ajaanibta ah ee ka dhinac dagaallama xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ayaa si weyn uga cabanaya hab-dhaqanka xarrakada Al-Shabaab sida ay sheegayaan ilo milatari oo arrintaan si dhaw ula socday.

Dagaalyahannadan oo si dhuumasho ah uga soo baxdsay kooxda ayaa sheegay inay kala kulmeen ciqaab iyadoo lagu marmarsiyoonayo sababo aad u jilicsan islamarkaana la geeyo aagga hore ee dagaalka si loo tijaabiyo daacadnimadooda.

“Waxay u isticmaalaan dagaalyahannada Kenyanka ah iyo kuwa kale ee ajaanibta ahba wax lagu ciyaaro iyagoo ku qasba qaraxyada ismiidaaminta ah, dagaalka lugta ee aagga hore ama loo dilo sababo la xiriira inay cadowga u jaajuusayeen” Waxaa hadalkaan laga soo xigtay dagaalyahanno dib uga soo laabtay xarrakada Al-Shabaab.

Dagaalyahannadan Kenyanka ah ayaa u sheegay milateriga Kenya inay badankood kasoo baxsadeen magaalada Jilib iyo Bu’ale kuna sii jeedaan Lakta Belt.

Kooxdan ayaa raadineysa inay gooni uga goosato Al-Shabaab islamarkaana ay sameeyaan koox madax-bannaan oo sii wadda jihaadka caalamka sida ay sheegeen. Arrintaan ayaa timid kaddib markii dhawaan la dilay taliyeyaal saameyn xooggan ku lahaa xarrakada Al-Shabaab oo kasoo jeeda Kenya iyo ajaanib kale.

“Dilalka loo geysanayo taliyeyaasha saameynta leh ee kasoo jeeda Kenya ayaa ku dhaliyey walaac xooggan dagaalyahannada ajaanibta ah iyo kuwa Soomaaliyeed. Waxaa jira walaac haysta dagaalyahannada Kenyanka ah ee Al-Shabaab kaddib dhimashadii Ahmed Iman Ali oo ku magac dheeraa Abu Zinira kasoo ahaa sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kana soo jeeday dalka Kenya,” Sida uu sheegay dagaalyahan dib uga soo goostay Al-Shabaab.

Iman ayaa ka mid ahaa taliyeyaal lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo loo geystay xero Al-Shabaab ay ku leeyihiin Bu’ale dabayaaqadii bishii March ee sannadkan. Ka hor dhimashada Iman wuxuu ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Al-Shabaab kuwaasoo si gaar ah ugu qaabbilsanaa saxaafadda iyo baahinta hadallada kooxda. “Geerida Iman waxay hoos u dhigtay niyadda dagaalyahannada ajaanibta ah ee Al-Shabaab ka tirsan waxayna yareysay in la helo dagaalyahanno kale.” Sida uu sheegay dagaalyahan kasoo baxsaday Al-Shabaab.

Dagaalyahankan magaciisa qariyey ayaa sheegay in dagaalyahanno badan oo Kenyan ah inay gaarayaan qoysaskooda si dib loogu celiyo dalka Kenya. Tiro badan ayaa horey dib uga soo laabtay Al-Shabaab kuwaasoo hadda la dhaqan celinayo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this