Sign in to follow this  
Deeq A.

Save The Children: Afartii carruur ah ee Puntland ku noolba mid keliya ayaa cunto ku filan hela

Recommended Posts

Deeq A.   

Afartii carruur ah ee Puntland ku noolba mid keliya ayaa cunto ku filan hela sida ay muujisay qiimayn cusub ay samaysay hay’adda Save The Children oo shalay la soo bandhigay.

Tani ayaa ka dhigan in afartii carruur ahba saddex kamid ah ay u nugul yihiin saamaynta abaar kale oo la filayo in ay gobolka burburiso bilaha soo socda.

Qiimayntan oo hay’adda Save The Children samaysay  bishii Maaj ee sannadkan 2019 balse la soo bandhigay Khamiistii shalay ayaa lagu sheegay in qoysaska laga sameeyay xog-uruurinta boqolkiiba 73% carruurtoodu ay maalintii wax cunaan laba jeer ama wax ka yar.

Qoysaska ayaa sheegaya in cuntada oo qaaliyowday iyo xoolihii oo abaar u le’day ay natiijo u noqotay hoos u dhaca ku yimid helidda cuntada.

Ku dhowaad kala bar kamid ah dadka xog-uruurinta laga sameeyay ayaa sheegay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay uu hoos u dhac ku yimid xaddiga cuntada ay helayaan.

Sidaasi darted  qoysaska ayaa  raashin ka soo amaahanaya qoys kale ama saaxiibo iyagoo yaraynaya wakhtiyada ay cuntada samaystaan maalintii si ay u sii noolaadan kadib markii cunta la’aan daran soo wajahday.

Save The Children ayaa ka digaysa in haddii aan si deg deg ah sare loogu qaadin dhaqaalaha lagu bixinayo adeegyada naf-badbaadinta ah ee bulshooyinka abaartu saamaysay ay xaaladdu inta ka sii xumaan doonto.

Halkan ka akhriso warbixinta oo dhammaystiran

PUNTLAND POST

The post Save The Children: Afartii carruur ah ee Puntland ku noolba mid keliya ayaa cunto ku filan hela appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this