Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah dalalka Yurub oo ku hungoobay ictiraaf uu weydiistay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaare ku xigeenka, ahna wasiirka arrimaha debadda dalka Kosovo, Ivica Dacic ayaa Arbacadii shalay safar aan la shaacin ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegtay warbaahinta dalkaasi Kosovo.

Mr. Dacic ayaa magaalada Muqdisho wada-hadallo laba-geesood ah kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabudllaahi Farmaajo, ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre iyo wasiirka arrimaha debadda, Axmed Ciise Cawad sida ay qortay warbaahinta.

Kulankaasi ayaa looga hadlay, soo celinta xiriirka walaalnimo ee soojireenka ah  iyo iskaashi dhaw oo ay yeeshan  labada dal ee Soomaaliya iyo Kosovo.

Sidoo kale,  ra’iisul wasaare ku xigeenka Kosovo ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya weydiistay in ay dalkiisa ku gacan-siiso sidii uu xubin uga noqon lahaa Qaramada Midoobay, balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiday dalabkaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  Mr. Dacic u xaqiijiyay in Soomaaliya aysan marnaba taageeri doonin dhaqdhaqaaq kasta oo ku saabsan goonni isu’taag iyo aqoonsi-raadis ka hor-imaanaya  xeerarka caalamiga ah.

Mudane Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka laaban doonto go’aankii xukuumaddii Sheikh Shariif Sheikh Axmed ay dal madax-bannaan ugu aqoonsatay Kosovo sannadkii 2010-kii.

Waddanka yare ee Kosovo ayaa xornimadiisa ka qaatay dalka Serbia 17-kii Febraayo 2008, kadib  halgan dheer oo ay xornimada u galeen dadka gobolkaasi oo 90% ay muslimiin yihiin.

Dowladda Maraykanka iyo in ka badan 70 waddan oo kale ayaa wakhtigaasi  dal madax-bannaan u aqoonsaday Kosovo, balse waxaan weli aqoonsan Ruushka iyo dalal kale, taasi oo ka hor-taagan Kosovo in ay xubin ka noqoto Qaramada Midoobay.

Halkaan ka akhriso iyadoo English ah

PUNTLAND POST

The post Mid kamid ah dalalka Yurub oo ku hungoobay ictiraaf uu weydiistay Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this