Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo xilka ka qaaday guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda G/Banaadir mid cusubna magacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaalouya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka ka qaaday Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur, isaga oo magacaabay mid cusub.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayuu ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay madaxweynaha ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay Mudane Ibraahim Dheere inuu Eebe u fududeeyo masuuliyadda culus, isaga oo kula dardaarmay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

Xeerkan lagu magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqangalay saxiixa Madaxweynaha ee Khamiistii, taariikhduna ay ku beeganayd 2ka May, 2019.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this